Komishanka Doorashooyinka Qaranaka JSL Ayaa Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Dawladda UK.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxay maanta xafiiskooda ku qaabileen Wefti uu hogaaminayo  Md. Chris oo ah Agaasimaha Horumarinta ee UK FCDO iyo Madaxa Xafiiska UK ee JSL Md. ‬ Ilyas Malek oo ay wehelinayaan saraakiil kale. Xogwaraysi labada dhinac ah kadib, KDQ waxay kormeer indho-indhayn ku soo mariyeen Bakhaarada Hawlagallinta ee KDQ oo ay diyaar ku ahaayeen dhammaan agabkii goobaha Codbixinta Doorashada ee dalka JSL.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxay uga mahadceliyeen dawladda UK, kabka dhaqaale ee ay ka gaysteen Doorashooyinka 2024.

Next Post

No items found.