Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Gudoomiyaha Dalladda SONSAF

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Gudoomiyaha Dalladda  SONSAF Md. Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Dalladdaasi Md. Xamse Ibraahin Cismaan. Labada dhinac waxay iska xog-waraysteen shaqooyinka u diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL.

Madaxda Dalladda SONSAF dhankooda waxay KDQ siiyeen warbixin dhinacyo badan taabanaysa, sida shaqooyinkii ay la soo qabteen KDQ tobankii (10) sanno ee u dambeeyey, iyo qorshahooda ku aadan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ee qabsoomaysa 13 November 2024.

Next Post

No items found.