Sahaminta Xarumaha & Goobaha Codbixinta Gobolka Sanaag

Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ee gobalka Sanaag oo ay hogaaminayaan Xubnaha KDQ ee kala ah Axmed Yuusuf  Maxamed & Siciid Maxamed Cismaan oo ay wehilayaan Agaasimaha Guud ee KDQ Jamaal Maxamed Jaamac iyo  xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ayaa waxay safar shaqo ku tageen Gobalka Sanaag.  Ujeedka safarka ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL.

Weftiga KDQ waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Sanaag  oo ay hormuud u yihiin Badhasaabka Gobalka Sanaag iyo Maayirka Magaalada Ceerigaabo iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen qaar ka mid ah xarumaha codbixinta degmada Ceerigaabo.

Next Post

No items found.