Sahaminta Xarumaha & Goobaha Codbixinta Gobolada Dalka JSL

Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ee gobalka Awdal oo ay hogaaminayaan Gud-Kuxigeenka KDQ Mud: Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Ibraahim Macalin Aadan oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ayaa waxay safar shaqo ku tageen Gobalka Awdal iyo Salal . Ujeedka safarka ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL.

Weftiga KDQ waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Salal oo uu hogaaminayo Badhasaabka Gobalka Salal, iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen qaar ka mid ah xarumaha codbixinta ee degamad Saylac.\

Next Post

No items found.