Weftiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ee gobalka Togdheere oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha KDQ Mud: Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehilayaan xubnaha Guddida Hawlgalinta Ururrada/Xisbiyada (Taskforce) ayaa waxay safar shaqo ku tageen Gobalka Togdheer . Ujeedka safarka ayaa ahaa sahaminta iyo xog-ururrinta goobaha codbixinta ee gobolada dalka JSL.
Weftiga KDQ waxay kulamo la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Togdheer oo ay hormuud u yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer, Maayirka Magaalada Burco iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen qaar ka mid ah xarumaha codbixinta ee degamad Burco